Kullan ka dhacay xafiiska SASA ee EC
PORT ELIZABETH: kulan balaaran oo xalay ka dhacay xafiiska Jaaliyadda soomaalida SASA ee Gobolka Eastern Cape ayaa lagaka wada hadlay xaaladda soomaalida dalka k/ afrika iyo sidii loo heli lahaa wada shaqeyn buuxda oo dhex marta dhamaan goboladda dalka
Gudoomiyaha gobolka WESTERN CAPE MUDANE CABDI YARE oo booqasho ku yimid GOBOLKA EASTERN CAPE ayaa shaaca ka qaaday in loo baahanyahay midnimo iyo wada shaqeeyn buuxda in la wada yeesho mudane cabdi yare waxuu ka mid ahaa maamul cusub oo la dhisay DECEMBER- TII HORE 2007 oo loo yaqaano SOMALI COMMUNITY BOARD kaas oo ka jabay JAALIYADDA SASA xiligii uu socday dagaalkii ciidamadda ethiopia eey soo galeen magaaladda mugdisho,
ummada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka k/afrika ayaa ku kala jabtay taageeradda soo gali taanka ciidamadda ethiopia taas oo keentay inla aas aaso jaaliyadd taageersan dowladda & ciidamadda ethiopia oo la yiraahdo (SOMALI COMMUNITY BOARD),
taas oon shacabka soomaaliyeed ee dalka ku nool aana ku laheyn taagero fara badan
mudane cabdi yare ayaa xalay la kulmay dhamaan maamulka jaaliyadda SASA iyo Ganacsatada soomaaliyeed , culumada gobolka ,odayaasha dhaqanka asagoo ku dheeraaday in maanta la soo gaarat wakhtigii la sixi lahaa khaladkii dhacay 2007, ee keenay kala jabka,
mudane: cabdi yare ayaa balan qaaday inuu maanta waxii ka danbeeya uu ku shaqeynayo magacii hore ee jaaliyadda soomaaliyeed SASA ee la aas aasay 1998, xiligaas oo uu goob joog ahaa
erayadiisii waxaa ka mid ahaa(kala jabka waxaa keenay qabyaalad iyo dano shakhsiyadeed dad fiirsanaya ayaa keenay iney wax aas aastaan midnimadda soomaaliyeed waa muqadas ayadaana ku dhimaneynaa)
madaxda jaaliyadda SASA ee gobolka Eastern Cape ayaa soo dhaweeyay balana qaaday iney la shaqeynayaan xafiiskan cusub ee cape town ee ku soo biiray jaaliyadda SASA
labadii isbuuc ee u danbeysay ayaa waxaa ka jiray magaaladda JOHANNESBURG dadaalo aad iyo aad u fara badan oo lagu doonayo in lagu mideyo xafiisyadda jaaliyadda soomaaliyeed ee magaaladdda JOHANNESBURG
SASA NEWS
PORT ELIZABETH
SASA News 03/12/2008