Shir heer maamuleed oo ka dhacay King Williams Town

KING WILLAIMSTOWN: shir eey is kugu yimaadeen maamulka jaaliyadda SASA ee magaaladda KINGWILAIMSTOWN IYO gudoomiye kuxigeenka gobolka Eastern cape mudane: c/raxmaan Raabi ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amaan ee magalaada king wilaimstown iyo dardar galinta maamulka magaaladda.

markii si qodo dheer loo falanqeeyay ayaa waxaa la isku afgartay in la balaariyo maamulka magaaladda taas oo la isku afgartay sidan:

1- c/laahi yarow geedi gudoomiyaha xafiiska king wiliams town
2- maxamed cabdi dhuux gudoomiye kuxigeenka xafiiska
ahna madaxa isboortiga & dhalinyaradda
3-bashiir shafac xasan xoghayaha & maaliyadda xafiiska
4-maxamed cabdi faarax madaxa xiriirka guud
5- nuur mahdi madaxa dacwada iyo wacyi galinta
maamulka king wilaimstown ayaa maalmahan xooga saaray inuu sameysto xafiis rasmi ah & arimaha dacwada soona celiyo xalaqaadkii & muxaadaraadkii wacyi galinta ahaa
go,aamadda shirkan & xubnaha cusub ee maamulka ayaa loo akhriyay odayaasha magaaladda
taas ooy soo dhaweeyeen dhamaan xubnihii goobta joogay
SASA NEWS
KING WILLAIMSTOWN

SASA News 4/12/2008