Dad lagu xirxirey xafiiska Home Affairska iyagoo sharciyo been abuur ah watta.
Sida ay sheegayaan warar hor dhac ah oo kazoo baxaya xarumaha lagu hayo dadka masaafuriska ah ayaa sheegaya in halkaasi lagu hayo dad Soomaaliyeed oo aan tiradooda la sheegin laga qabtay manta xafiiska qaabilaada qaxootiga ee Johannesburg kadib markii lagu qabtey sharciyo been abuur ah.
Dadkani oo aan tiradooda la sheegin ayaa waxaa la sheegey in ay watteen sharciyo ay saaranyihiin tiimbarooyin ama shabaddo aanan ahayn tii wasaarada, taasoo la sheegey in rag muqalasiin ah ay sharciyadaasi dadka usoo garaaceen.
Ma jiro war faahfaahsan oo laga hayo, laakiin saraakiil SASA u hadashay ayaa sheegeysa in ay wadaan xariiro ay la samaynayaan xarunta Lindela si ay wax oga qabtaan dhibaatada.
Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa looga digey in ay sharciyadooda u gacan galiyaan muqalasiinta aanan la aqoonin halka ay shabadaha kaga soo dhuftaan sharciyada, hadal uu masaajidka Johannesburg ka jeediyey imaamka masjid Sheekh Maxamed Amiin ayuu dadka ku xasuusiyey in ay muhiim tahay in xafiisyada ay quseyso ay sharciyada kazoo qaataan, iskana dhaafaan muqalasiinta.
Iminka waxaa jirta in xafiisyada Johannesburg iyo Pretoria laga mabnuucay muqalasiinta in ay galaan, tanina waxay ka dambeysey cabashoyin ay gudbisey SASA, isla markaasina meesha geeysey saraakiil dadka u turjubaana oo mushaarkoodu wasaarada bixiso.
SASA News 4/12/2008