MA MOODAYN SIDAN BAL MALEEYA OO MAXAA LAGU METELAA?
Maqal iyo Map-ka oon ka arkay mooyee si kale uma aqoon, marka laga reebo meel nolol saraysa, maciishad macaan, maal laga tabco, magac iyo maamuusna laga helo.
Magac waxaad ku leedahay meel lagaa yaqaan, maalna Mawlaa baxsha, mawdkuse waa halkiisa oo marnaba la huri mayo. Midse waa madaxaaga wax ku jiro ood mustaqbalka hiigsanayso maalinna aad gaari doonto hadii aad mutaysato.
Qosfkastana wuxuu haminayuu hiigsadaa helyaa ama wali haybteeda hayaa, Hadaadse magac, maqaam iyo maalba rabto meeshee loo maraa?
Ma Mayfair imaashaheeda?, ma Maka u baqoolideeda?, ma Maraykan u duulistiisa? Mise Muqdisho joogisteeda?. Waa su’aal wali jawaabteedu maskaxdayda meerayso.
Markii hore waxaan lahaa muddo intee le’eg ayaad ku taajiraysaa, ma bil mise labo, markaad tagto Koofur Afrika? Laakiinse marka loo eego wadada loo soo maraa ayaan jirin wax loo dhigaa dhibteeda, waxaase ku hilmaamsiin meesha aad ku socoto dheefta lagu sheegay.
Maah-maah ayaa ahayd NIN ADUUNKA JOOGOOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN? Ma filayo inuu jiro ruux wadankiisii kasoo dhoofay hadana aan arag waxyaabo uu la yaabo, filan-waa iyo fajacna ku noqda.
Hadaba akhristoow adiga maxaa kaa yaabiyay? Maxaa filanaysa markaad imaanaysay, maxaadse la kulanta? Waxaan filayaa dhamaan jawaabuhu inay yihiin umuur iyo amakaag.
Waxaad dhib u soo amrtaba markaad cagta soo dhigto adigoo hamuun lacag qaba wadankaad u soo haraaday waxaad horay ka bilaabaysaa shaqo Magaalo mise Mii miday ahaataba!.
Ma Magaalo?:- Shaqo kooban, saacado ah, dhib badnayn kayd iyo koror dhaqaale oo fiicanna aan sii lahayn, cabsi iyo cariirigana uusan ka marnayn waloow aad la wadaagto dadka Miiga ku nool aadse xoogaa dhaanto.
Miigase, hadaa tahay mid joogo wadanku kala mudan kalana Mii fiican, midase dhammaan la wada qabaa ayaa ah:- kaydsi fiican, korriimo wanaagsan, kor-gayn dhaw iyo kor-madaw!.
Hadiise aad soo dhex gasho dad aadan Dhaqan, Diin, Akhbaar iyo Afba wadaagin waxay qaadanaysaa mudo inaad fahanto, laqatsato si aad macmiil fiican u yeelato dhaqaalahaaguna u kordho maskaxdase waxaad ka leedahay Meeshu Meeshii Lamooday Maahan!.
Dhanka kale qof kasta oo wadanka Koofur Afrika jooga waxaa ka danbeeya oo uu dalkii uga soo tagay dad tabaalaysan, garab iyo gar-gaar Alle ka sokoow isaga ka sugaya, fikirka ay wadankan ka qabaana uu yahay kii aad ka haysatay intii aadan imaan iyo iyaga oo moodo inaad ganacsi ku haysato kuna nooshahay daaraha dhaadheer ee magaalooyinka waa wayn sida:- Cape Town, Port Elizabeth, Durban, Pretoria, iyo xarunta ganacsiga Afrika ee Johannesburg oo ay inta badan ka arkaan shaa-shadaha Tv-yada, moodana inay lacagtu meelkasta kuu taal!.
Waa gar inay sidaas u fikiraan waayo adiguba waxaad filanaysa intii aadan imaan sidas iyo si ka sii wacan. Iyo iyagoo ku nool wadan xaaladiisa Amaan, Dhaqaale iyo Nololeedba aad u liidato. Laakiinse kaa rajo iyo niyad wanaagsan marka loo eego xaalada labada dhinac ee aad ku kala nooshihiin.
Maalin aan tuulo miiga ah booqday ayaa nin dhalin yaro ah I yiri saaxiib wadankaan labo mid ayaa noogu daran oo ah:- DAD LA’AAN IYO DIIN LA’AAN!.
Ujeedada oraahdiisa ayaa waxa ay tahay Dad la’aan oo ah kuwa aadan af iyo aqoon kaleba wadaagin oo aad ku dhex nooshahay calool adayg iyo ciil-kaambisna ku jooga. Diin la’aanituse waa mid iinan sinaba u wadaagin farqi wayna uu idiin dhexeeyo oo waysadaada, qubayskaaga, biyo suuli u qaadashadaada, soonkaaga iyo salaadaaduba la yaab ku tahay, Amakaag iska dheh!!
Adiguse layaabyo yaab ka badam ayaad ku arkaysaa, yaab iska dheh! Balse QOFKASTAA QUMANIHIISA QOORTA U SURAN oo in la isla yaabaa yaab maahan hadiiba aan dhaqan, diin iyo dadnimaba la wadaagin.
Horaa loo yiri DAL AADAN LAHAYN WAA DAREEN KU JOOG. Maah-maah mooyee urtideeda ma Dhuuxsanayn aniga iyo inta ila maalka ah, haduuse macnaheedu iga daa-dagay.
Hebelo badan oo aad taqaanay misna is lahayd toloow halkee cirib iyo jaan dhigeen, ma ku aragta wadanka? Imisaa iyagoon maalma joogin mawdku haleelay? Imisaa inta maalma joogay dar-xumo iyo duruuf darteed dib uga baqoolay? Hadii aad is tiri dib uga noqo su’aalo maku hor yimaadeen , dadkii waxay ku dhihi doonaan ma baqday oo ma tiri maxay noqon karaan waydiimahaas? Assaagaa daarahaas ayuu dhista darajadaasna waa gaara Doolarna waa tacba ee adigu maxaa haysa intuu hebel heerkaas gaarayay? Ragna su’aal waxaa ugu daran markii la waydiiyo Maxaa haysataa iyo Maxaa la timid Maxaase kaa soo horeeyay?! Hadaysan jirin yadiimahaas mar hore ayay dad badan dalkii dib ugu hayaami lahaayeen duruufba haka jirtee.
Qofkasta ee Soomaali ah ee yimid Koofur Afrika arkay waxa ka jira wuxuu leeyahay MUUQAAL LAGU GARTIYO TUUGAAN MAGAC LAHAYN AYAA DADKII KU MIRTEE MA MOODAYN SIDA BAL MALEEYA OO MAXAA LAGU METELAA?!
Hanad Mohamed Hussein
Johannesburg, South Africa