December, macaash iyo murugo.
Waa markale iyo bishii December, sanad kasta xiligani oo kale ayaa ah xiliga ay hiigsadaan ganacsato baddan oo Soomaaliyeed, sababtuna waxay tahay macaashka laga hello ganacsiyada marka ay bishani timaado, hase yeeshee waa bil murogo iyo cabsi kullansatay.
Dalkani oo ah mid ay dadka ku nool inta baddan ay heystaan diinta masiixiyada ayaa marka la gaaro bisha 12 aad ee sanadka waxaa caado diimeed u ah in lagu guryo noqdo oo ciidani lagu xuso qofba halka uu ku dhashay asal ahaan, dadka aad ayay ugu diyaargaroobaan, lacago baddan ayayna ku qarash gareeyaan.
Sidaasi darted ganacsiyadu waa kuwa aad looga macaasho waxaana kordha dhaqdhaqaaqa ganacsiyeed, gaar ahaan Soomaalida ka ganacsata badeecooyinka aan cunnada ahayn sida dharka, maacuunta, alaabaha sarirta sida daahyada, iyo waliba qalabka elektroonika aad ayay macaash u helaan, waanan xili ay aad u sugaan sanadkiiba mar.
Hase yeeshee waxaa bishani macaashka u weheliya Soomaalida murugo runtii aan yarayn, gaar ahaan soomaalida tuulooyinka joogta oo tuugada ama burcadda iyaga doonaya in ay helaan lacagtii ay ku ciid tagi lahaayeen ay geystaan dhac iyo qaribaad baddan.
Waxaa iska caadi ah in raga boosaska ah ee ganacsiyada leh ay shaqaalaha dukaamada oga dhuuntaan, halka shaqaalo baddan aysan bishani shaqaynin gabi ahaanba oo ay jiifaan hoteelada magaalooyinka.
Habka ugu wanaagsan ee looga foojignaan karro dhibaatada ayaa ah in goobaha ganacsiyed kaliya la furro xiliga munaasabka ah ee dadka caadiga ah eey shaqaystaan, oo lasoo afjaro saacadaha dambe ee ganacsiyada la furayo.
SASA News 4/12/2008