Diyaar Garoowga Ciida oo socda.

Qoysaska Soomaaliyeed ee dalka kusoo kordhaya iyo caruuraha baddan ee dalkani ku dhalanaya ayaa waxaa laga dareemayaa maalmahani diyaar garoow xoogan oo ay ugu jiraan soo dhaweynta munaasabada ciidul adhxaa.

Maalmo yar ayaa naga xiga xiliga loo dabaal degayo munaasabada ciida, waxaana socda diyaar garoow xoogan oo waalidiinta iyo dadweynaha Soomaaliyeed ay ugu jiraan munaasabada ciida.

Caruurta ayaa loo iibinyaa dhar cusub oo ay ku ciidaan, guryaha intooda baddan waxaa laga qalayaa xoolo, waxaana la dareemaya farxad saa’id ah.

Maalinta ciida magaalooyin ay Soomaalida ku baddantahay ee Cape Town, Johannesburg, iyo P.E waxa la’isgu soo bixi doonaa fagaarayaashii caadiga ahaa halkaasi oo salaada ciida lagu oogi doono.

Ururka jaaliyada Soomaaliyeed ee SASA waxay Soomaalida u rajaysanaysaa ciid wanaagsan “Ciid Mubaarak”.

SASA News 06/12/2008