SASA oo u direysa tahniyad ummada soomaaliyeed ee k/afrika iyo talooyin muhiim ah

maamulka jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika SASA waxeey tahniyad u direysaa dhamaan ummadda soomaaliyeed ee ku nool dalka k/afrika inuu eebe gaarsiiyo sannadkan kiisa kale ayagoo qaba caafimaad iyo cibaado wanaagsan
maamulka jaaliyadda SASA waxuu ku wargalinayaa dhamaan ganacsatadda soomaaliyeed iney iska sugaan AMAANKOODA bishan DECEMBER 2008, ayadoo inta badan dhacaan xiliyaddan oo kale dilal iyo dhaawacyo loo geysto ganacsatadda soomaaliyeed ee ku nool dalka k/afrika ,
ganacsatadu waa iney xiraan dukaamadooda xili munaasab ah ,intii wada dagan meel waa iney is ogaadaan,lana socdaan dhaqdhaqaaqa tuukada, lana shaqeeyaan maamuladda ka jira LOCATION-KA iyo CIIDAMADA AMAANKA
waxaan ku waanineynaa dhamaan walaalaha LOCATION-KA ku nool iney sameystaan maamul matala oo u istaaga baahidooda LOCATION-KA iyo la xiriirida maamuladda kale ee dowladda k/afrika

maamulka SASA ee Eastern Cape

SASA NEWS