mudaaharaad ka dhici lahaa injooli oo la joojiyay cabsi laga qabo inuu isu badalo boob cusub
port elizabeth:mudaharaad eey soo abaabuleen xubnaha ANC ee xaafadda INJOLI ee duleedka magaaladda port elizabeth kaas ooy oogu talo galeen iney ku muujiyaan sey ooga xunyihiin boobkii loo keystay ganacsatadda soomaaliyeed ee xaafaddaas 25 november 2008, halkaas oo lagu boobay in ka badan 18 dukaan oo soomaaliyeed lagana raray in ka badan 125 dukaan,
mudaharaadka oo dhici lahaa abaarihii maanta 2:00Pm ayeey baajiyeen saraakiisha amaanka ayagoo ka cabsaday inuu isu badalo boob kale mar aan xiriir la sameeynay saraakiisha amaanka ee saldhiga booliska ee kwazakela ayaa noo xaqiijiyay iney joojiyeen mudaharaadkaas cabsi eey ka qabaan inuu isu badalo boob iyo ciidanka amaanka intiisa badan ooy sheegeen inuu ku maqanyahay howlgalo kale,
saraakiisha SASA oo lagu war galiyay iney ka soo qeyb galaan mudaaharaadka ayaa helay war sheegaya in la joojiyay
inteyna ka bixin xafiiska SASA
bisha december ayaa cabsi badan laga qabaa inuu dhaco dilal iyo dhaawacyo soo gaara ganacsatadda soomaaliyeed ee ku nool dalka k/afrika ,
SASA NEWS
PORT ELIZABETH