Koobkii Ciidul Adxaa Ee Shirkad Kaah Express, Johannesburg.

09 Dec 2008. Shirkada Kaah Express ayaa waxay diyaarisay koob kubada cagta ah oo loogu tala galay munaasabada Ciidul Adxaa oo ay ka qayb galeen naadiyo Soomaali ah oo kala yimid 3 gobol oo dalka South Africa ku yaala.

Koobka ayaa ciyaaray 4 kooxood oo kala ah Xiin Finniin, Laalays, Restunberg Stars, iyo King Stars. Kooxaha ayaa kala yimid gobolada Gauteng, North West iyo Eastern Cape.

Ciyaaraha kooxaha dhex maray oo ahaa nooca la yidhaahdo (Knock-out) ama is reebitaanka aan soo noqoshada lahayn ayaa waxay ciyaartii hore dhex martay kooxaha Laalays (Johannesburg) iyo King Stars (King Williams Town). Labadan kooxood ayaa waxaa dhex maray ciyaar aad u culus oo runtii dadwaynahii ka soo qayb galay ay u riyaaqeen. Ciyaartan ayaa ku dhammaatay 2 gool oo ay dhaliyeen kooxda Laalays iyo Kooxda King Stars oo aan waxba dhalinin. Madaxa kooxda ayaa King Stars Mudane C/Qafaar Sh Maxamed ayaa u tiirayay guuldarada kooxdiisa iyaga oo aad u daalanaa maadaama oo ay soo safreen masaafo ka badan 1100km isla maalintii ay yimaadeena ay ciyaarta horay ka galeen.

“Runtii waa nala gaaday laakiin aduun dib u badan, waxaan rajaynaynaa inaan reer Johannesburg fagaare kale isku helno. Waxaan Shirkada Kaah Express ka codsanaynaa inay munaasab kale noo diyaariyaan” ayuu yidhi C/Qafaar Sh Maxamed.

Ciyaarta kale waxay dhex martay kooxda Restenburg Stars iyo kooxda Xiin Finniin. Ciyaartan ayaa ahayd mid in muda ahba laga shin tirinayay sababtoo ah labada kooxoodba waa kooxo si wayn u dhisan oo mudo ciyaarayay. Mana ahayn laba kooxood oo isku cusub ee runtii waa ay isu ciil qabeen maadaama oo ay marar hore fooda is dareen.

Ciyaartan ayaa 90kii daqiiqo la isku mari waayay gabi ahaanba gool-gool ay dhaliyeen mooyaane. Waxay ku dhammaatay barbar-dhac. Maadaama oo ay ahayd in kooxi badiso waxaa loo sameeyay hannaanka (Penalty) la yidhaahdo ama Gool ku Laad. Nasiib wanaag garri laba nin kama wada qoslisee waxay laba kubadood oo aad cayaartoyga Restunburg usoo laadeen qabtay gool-hayaha Xiin Finniin ninka la yidhaahdo CRaxmaan C/Maalik oo sida bisadu jiirka u qabsato isugu kooleeyay kubadda. Halka laga qabtay kooxda Restenburg way dhaliyeen kooxda Xiin Finniin.

Waxaa haddaba ciyaartii kama danbaysta ahaa is hardiyay kooxaha Xiin Finniin iyo kooxda Laalays. Labadan kooxood ayaa soo wada ciyaarayay 4 tii sano ee la soo dhaafay oo aad isu tab yaqaana. Kooxdan Laalays oo ah koox ay ku jiraan cayaartoy rug cadaa oo qaarkood Soomaaliya ka soo cayaari jireen ayaa lagu naanaysaa “Ciyaartoyda Cuslaatay” halka kooxda Xiin Finniin uu ninka ugu wayni yahay 25 jir. Dhinaca kale kooxda Xiin Finniin waxay bishii la soo dhaafay ee November qaaday koobka Coca Cola ee magaalada Johannesburg. Hadaba nimankan yaryari wax fursad ahba ma ayna siinin cayaartoyda cuslaatay oo 4 gool ayay shabaqa ka cuskiyeen. Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 4-0.

Waxaa xusid mudan in salaadihii Casarka iyo Makhribkaba ay dhammaan cayaartoydu ku tukadeen garoonka iyada oo uu tujiyay Sh Axmed Wali Sh Muxumed oo ka mid ah ducaada Soomaalida ee Koonfur Afrika iyada oo uu kalmad wacdi ahna soo jeediyay Sh C/Jabaar Sheekh oo dhalinyarada ku buuriyay inay diintooda ku dhagadaan marka ay jimicsanayaan. “Ninkii salaada casar kaga tagto garoonka ma uusan faa’iidin ee waa uu khasaaray, marka ogaada diintiina jidhkiina dhista oo jimcsada” ayuu yidhi Sh C/Jabaar.

Koobkan oo kharash xoog leh uu kaga baxay Shirkada Kaah Express ayaa waxaa lagu qaybiyay funaanado fara badan oo magaca shirkada wata. Shirkadan Kaah Express ayaa waxay maal galisaa ugu yaraan lix kooxood oo Soomaali ah oo kubbadda ciyaarta oo gobolo kala duwan dagan

SASA 10/12/2008