jeffreys bay oo laga furay masaajidka imaam axmed ibnu xambal

JEFFREYS BAY: magaaladda JEFFREYS BAY ee degmada KOUGA ayaa laga furay masaajid weyn oo lagu tukado salaadaha jamaacaadka ah iyo jimcooyinka waxii laga bilaabo isbuucan soo socda inshaa alaahu masaajidka JEFFREYS BAY waxuu leeyahay fasalo dhowr ah oo loogu talo galay dadka soo islaamay in lagu baro diinta islaamka , waxaa kale oo xarunta JEFFREYS BAY leedahay 2 qol oo ah xafiisyo ee leedahay jaaliyadda SASA ee degmada KOUGA ,
Xarunta JEFFREYS BAY waxaa maal galiyay ganacsatadda soomaaliyeed ee magaaladda JEFFREY BAY gudoomiyaha xafiiska JEFFREYS BAY mudane: maxamed qase habarwaa iyo afhayeenka maamulka mudane: shukri nuur oo warbixin siinayay wafdi ka socda SASA Eastern Cape & odayaasha gobolka oo uu ka mid yahay nabad doon: c/qaadir axmed c/laahi oo u hogaaminayay mudane: C/RAXMAAN RAABI gudoomiye kuxigeenka goboladda Eastern Cape & Western Cape ,oo booqasho ku tagay magaaladda JEFFREYS BAY maalintii shalay aheyd,
Mudane C/RAXMAAN RAABI ayaa u mahad celiyay ganacsatadda soomaaliyeed ee maal galiyay mashruucan kheyriga , isagoo carabka ku adkeeyay mahad celinta maamulka magaaladda JEFFREYS BAY sida wanaagsan eey u agaasimeen mashruucan kheyriga , mashruuca oo uu gudoomiye kuxigeenku u Magac bixiyay (XARUNTA IMAAM AXMED IBNU XAMBAL)
Magaaladda JEFFREYS BAY ayaa la boobay sannadkan sadex jeer taas ooy dhibaatooyin badan ka soo gaareen ganacsatada soomaaliyeed ee magaaladda,

Magaaladda JEFFREYS BAY ayaa u jirta magaaladda PORT ELIZABETH 70 KM dhanka magaaladda CAPE TOWN,

SASA NEWS
EASTERN CAPE