Tifaftire caan ah oo shaqada ka tagay.
Mid ka mid tifaftirayaasha ugu caansan dalka Tyrone August oo ahaa tifaftirihii wargeyska Cape Argus ayaa la sheegey in uu dhiibey warqad iscasilaad ah.
Tyrone ayaa la sheegey in uu shaqaalaha wargeyska u sheegey in uu shaqada ka tagayo kadib markii uu muran dhexmaray isaga iyo mulkiilayaasha wargeyska oo ah shirkad maamusha wargeyska dalka ugu waaweyn ee loo yaqaano kuwa madaxa banaan.
Muranka ayaa la sheegey in uu la xariiro go’aan shirkada ay qaadatay oo ah in la abuuro hal xafiis oo tifaftir ah oo ka dhaxeeya dhamaan wargeysyada ay shirkadu maamusho ee dalka oo dhan.
Talaabadani shirkada ayaa keeneysa in shaqada laga diro 20 tifaftire ku xigeeno (Sub-editor) dalka oo dhan.
Wargeyska Cape Times iyo Cape Argus ayaa samaystey urur ay shaqaalaha leeyihiin si ay isaga difaacaan talaabadani shirkadu ay ku dhaqaaqeyso.
Shirkadani oo loo yaqaanao Indipendent Newpapers ayaa maamusha wargeyska The Star, Pretoria News, Cape Argus, Cape Times, The Mercury, Daily News, Saturday Star iyo Sunday Independent.
SASA News 15/12/2008