Xisbigii cusbaa oo maalintii labaad shir u socda.
Shirweyne ay kumanaan ergo kazoo qeybgaleen ayaa maalintii labbaad ka socda Bleomfontain ee gobolka Free State halkaasi oo si rasmi ah loogaga dhawaaqi doono xisbi cusub oo siyaasadeed kaasoo ka jabay xisbiga talada haya.
Shirweynaha ayay tahay in uu doorto hogaan cusub, oo ka koobnaan doonaa madaxweyne, labbo madaxweyne ku xigeen, xoghaye guud iyo kuxigeenkiisa iyo hanti dhowre.
Lekota ayaa la filayaa in loogu doorto gudoomiye cusub.
Halka uu shirka ka socdo barito waxaa lagu qaban doonaa isu soobax balaaran oo uu xisbiga talada haya dhigi doono, waxaa laga cabsi qabaa isku dhac dhexmara taageerayaasha labbada xisbi.
SASA News 15/12/2008