Madaxweynaha oo inkirey in uu lacag ku yaboohay.
Madaxweyne Kgalema Mothlante ayaa inkirey in uu lacag ugu yaboohey xeer illaalihii xilka laga qaaday Vusi Pikoli, sida uu qorey wargeyska Sunday Times lacagta lagu yaboohey waxay gaaraysaa R10milyan.
Ujeedka yabooha ayaa lagu sheegey in Pikoli lagu qanciyo in shaqada lagu soo celiyo, kadibna uu iscasilo, lacagtana uu qaato, balse uu sidaasi diidey, kadibna uu madaxweynaha go’aansaday in uu shaqada ka diro.
Madaxtooyada war kaso baxay ayaa lagu inkirey jiritaanka warka, waxaana la sheegey in uu yahay war been abuur ah.
Sida laga war hayo madaxweynaha ayaa shaqada ka direy Pikoli oo horey shaqo ka fariisiin kumeel gaar ah uu ku sameeyey madaxweynihii hore Mbeki kadibna u saaray gudi soo baara in uu xafiiska u qalmo iyo in kale, gudiga ayaa ansixiyey in Pikoli uu xafiiska u qalmo, balse madaxweynaha cusub ayaa go’aansaday in uu shaqada si rasmi ah oga fariisiiyo.
Go’aanka madaxweynaha ayaa la geyn doonaa baarlamaanka si ay u ansixiyaan.
SASA News 15/12/2008