Hillbrow oo lagu qabqabtey 330 qof
waa arin ku cusub dadwaynaha wadankaani siiba kuwa ku nool magalada johannesbrug, ka dib markii booliska Magaalada Johannesbruga ay sheegeen inay qab qabteen ku dhawaad 330 qof oo ku guda jirey shaqo sharci daro ah.
Hillbrow waa meesha kaliye ee dadka aan sharciga ku joogin wadankan ka helaan inay sharci ay ku jogaan ka samaystaan, iyo ducomintiyo been abuur ah iyagoo laga qaado khidmad yar oo loogu samayno midaas oo ku abuurtey dawalada koonfur afrika inay ka hortagto.
Captain Bhekizizwe Mavundla ku shaqada lahaa dadkaan la soo qabqabtay ayaa u sheegey warfidiyeenada inay u soo xir xireen dadkaan ka gadaal markii loo taag wayay inay joojiyaan shaqada ay hayaan oo ah mida ay dawladu ku shaqo leedahay.
Shaqada dadkaan loo soo qabqabtey ayaa ah mid ay dawladu in dhawaala ahba ka cabaneysey oo ah qofka inay ugu sameeyaan sharic uu wadanka ku joogo sida . Passprotka, Daganaan shaha, iyo waraaqada ay ku jogaan dadka iyagu ah qaxootiga oo inta badana marka ay ka dhacdo waraaqda ay ku jogaan wadankaan ka soo samaysta Hillbrow.
Shaqada lagu soo qabatey dadkaan ayaa qadatey mudo dhan ku dhawaad sadax cisho, ujeedka loo so qabqabteyna dadkaan waxay ahayd sidii looga hortiga alahaa musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, in daganaansho lagu so dabaalo wadanka iyo inay si sax ah u helaan dadka raba inay ku jogaan si sharci ah wadanka.
Sidoo kale mar uu ka hadlayay Mr. Bhekizizwe Mavundla arinta amniga ayaa waxaa uu ku sheegey inay lagama marmaan tahay bulshadu inay ku noolaato si nabdoon oo xor ah, laakin hadii la waayo wax nabad ah lama helaayo sharci iyo kala danbeen , annaguna hadafkeeno waxaa u yahay inaan ilaalino kana hortgano waxii dhib u keeni kara ama aan u aragno inuu dhib ku yahay.
waxaa kale uu sheegey in la soo taagi doono dhamantood Maxakamada Ku talaala Magaladan Johannesbrug ee Magistrate's Court, iyagoo la marsiin doono xukun.
Xabsiyada wadankan ayaa waxaa uu la ciir ciirayaa dad laga soo qaba qabtey Airport yada wadankaan oo dhamantood watey sharci laga soo samayey Hillbrow midaas oo ka danbeyey in la soo qab qabto tiriadii ugu badneed abid inta dad xabsi la geynayay wadankan koonfur afrika.
Hadaba Xabsiyada ayaa waxaa u badan dadka wadankan qoxootiga ku jooga oo si sharci ahna ku shaqeysta, sidaas oo tahayna waxay ka doorbidayaan inay ka sii dhoofaan iyagoo adeegsanaya inay sharic been abuur ah samaysta ka dibna ka dhoofa wadanka iyagoo hamigoodu yahay inay garaan wadamada reer galbeedna.
SASA NEWS