Mudaaharaad ka dhacaya P.E

Waxaa maanta lagu wadaa in P.E lagu qabto mudaaharaad weyn oo looga soo horjeedo boobka iyo rabshadaha kadhanka ah Soomaalida, waxaa ka qeybgalaya wasiirka amaanka Eastern Cape iyo madaxda SASA.

Mudaaharaadka oo ay dowladu soo qabanqaabisey ayaa waxaa lagu wadaa maanta in ay ka qeybgalaan kumanaan dad ah oo isugu jira Soomaali iyo dadka deegaanka.

Ururka Jaaliyada Soomaaliyeed ee SASA oo wax kazoo qabanqaabisey mudaaharaadkani ayaa madaxdeeda gobolkaasi ay hadalo ka jeedin doonaan isu soo baxyada dhacaya.

Dadka ayaa socod ku mari doona meelo magaalada ka mid.

Banaanbaxani ayaa kusoo beegmaya maalinta dib u heshiisiinta oo maanta dalka laga xusayo.

SASA News 1/12/2008