Faahfaahin ku saabsan barnaamijka Diiwaangalinta SASA iyo UNHCR
Sida intiina baddan aad ka war heysaan, waxaa jirrey barnaamij sanadkii hore ururka jaaliyada Soomaaliyeed ee SASA ay ku aruurisey sharciyada kumanaan Soomaali ah oo dalkani qaxooti ku ah kadib markii ay xogtaasi soo codsadeen dhinacyo ay quseyaan arrimaha qaxootiga.
Kadib aruurinta xogta oo ku saabsanayd dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed ee dalkani ku nool, ayaan waxaan u gudbiney hey’adaha ay quseyso.
Hey’ada qaramada midoobey ee UNHCR oo macluumaadka loo gudbiyey ayaa 3dii bishan biloowdey in ay u yeerto dadkii aan u gudbiney, waxaa laga bilaabay magaalada Pretoria oo illaa iminka dadkeeda ay socdaan.
Waxaa lagu xijin doonaa magaalada Johannesburg, iyadoo magaalo kasta la iman doono si dadka halkaasi loogu waraysto, waxaa xigaya Cape Town, P.E, kadibna Durban.
Ogoow haddii aad ka mid ahayd dadkii sharciyadooda soo gudbiyey bishii November ee sanadkii hore, meel kasta oo aad joogto, UNCHR waa ay kuu wici doontaa, hana walwalin.
Waxaa jirrey dad baddan oo aanan taleefoono ku qoranin warqadaha la gudbiyey, arrintaasi waan kala hadalnay UN-ka, waxayna noo xaqiijiyeen in magacyadaasi lasoo dhajin doono xafiisyada SASA.
Waxaa jirrey dad baddan oo aanan soo gudbisanin waraaqahooda, isla markaasina u qalma in la caawiyo, kuwaasina waan kala hadalnay, waxaanan u sheegney in iyana loo furo waddo ay ku gudbin karaan cabashooyinkooda, taasina waa ay naga aqbaleen, laakiin wali kalama cadda xiliga arrintani ay dhaqangalayso.
Maxaa dadka loo qabanayaa?
Wax wax qabta illaahbaa ugu weyn, wax gacan dad ku jirana alle hanaga kaafiyo, hase yeeshee waxaa jirta in waqtigani la filan karro in wax loo qabto dadka u qalma ee dhibaateysan.
Waxqabadku wuxuu ku xiranyahay hadba sida loogu qanco waraysiga lagula yeesho iyo sida ay u xoogantahay dacwadaadu, fadlan keydso wixii waraaqo ah oo cadaynaya dhibaato ku gaartay ama ku heysta taasi waxay xoojineysaa dacwadaada.
Waxaa jira been baddan oo hawada socota, fadlan haku kadsoomin macluumaad banaanka aad ka maqashay, iskana hubi xogaha aad hesho.
SASA News