Shaqaaqadii warqadaha Cape Town oo xasishay
Kullan la’isugu keeney ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka xaafada Gugulethu ee duleedka Cape Town ayaa lagu xaliyey shaqaaqo ka dhalatay warqado digniin ah oo loo daadiyey dukaamaleyda Soomaalida.
Waraaqaha la qeybiyey waxaa ku qorna in muddo 7 casho ah gudahood ay Soomaalida kaga guuraan Gugulethu.
Taasi waxay kaliftey in Soomaalida ay u dacwoodaan saldhiga Police-ka , kadibna kullan la’isugu waco Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa deegaanka
Kullanka oo dhacay galinkii dambe ee isniintii ayaa ganacsatada dalka u dhalatay waxa ay raali galin ka bixiyeen warqadaha, iyadoo la’isla gartay in kullamo kale la’isugu yimaado.
Dhacdadani ayaa si weyn loo hadal hayay shalay oo dhan iyada oo saxaafada dalka ay si weyn u tabisey.