Magacyadii dadka oo lagu soo dhajiyey Cape Town

diiwaangalin la xariirta dadkii horey loo diiwaangaliyey oo laakiin nambaraodooda ka hilmaamay waraaqahooda ayaa ka bilaabatay xafiiska SASA ee Cape Town

saraakiisha jaaliyada oo ay ka midyihiin gudoomiyaha guud Maxamed Cabdi Diiriye iyo kan gobolka Western Cape Injineer Xusseen Cali Cumar ayaa si rasmi ah dadka ugu qaabilaya xafiiska oo ku yaala daarta Xarameyn 26 Durban Road, Belville

ma jirto cid cusub oo waraaqo laga qabanayo kaliya waxaa la dhajiyey magacyadad dadka la doonayo in ay soo raaciyaan nambaradooda iyo ciwaanada ay degenyihiin.

arrintani waxay a xariirtaa codsi ka yimid qaramada midoobey oo ahaa in la diiwaangaliyo dadka dhibaateysan si wax loogu qaban karro, illaa 600 qof oo uu xafiiska SASA gudbiyey ayaa illaa haatan imtixaanaad laga qaaday magaalada Pretoria

hadda waxay howsha maalmaha soo socda ka bilaabanaysa Cape Town, waxaa xigi doona Johannesburg, kadibna P.E

SASA News 21-07-2009