Dukaamo la xirey Gugulethu

illaa dhowr dukaan oo ay soomaali leedahay oo cusub ayaa la xirey tuulada Gugulethu kadib markii lagu heshiiyey in aanan dukaamo cusub oo dheeraad ah laga furi Karin aagaasi

koox dukaamaley deegaanka ah ayaa qeybiyey waraaqo isla markaasina xoog ku xirey dukaamo cusub oo ay Soomaalida leedahay kuwaasoo la furey kadib markii uu dhaqangalay heshiis dhexmaray iyaga iyo soomaalidii horey dukaamada ugu lahayd meesha.

heshiiska wuxuu ka bilaabanayay 1 dii luuliyo

laakiin heshiiska waxaa iska dhagomariyey dad soomaali ah oo sii wada in ay dukaamo cusub ka furaan gugukethu oo ku taala duleedka Cape Town.

ganacsatada deegaanka waxay ku hanjabayaan in ay isticmalai doonaan wax kasta oo suurogal ah haddii ay soomalaida sii wado dukaamo furista

bishii hore dabayaaqadeedii ayay ahayd markii qalalaase dhashay dartii ay meesha yimaadeen wasiiro dowlada ka socda oo shirk u xaliyey muranka, waxyaalihii la go,aamiyeyna waxaa ka mid ahaa in aanan dukaamo dheeraad ah la furin, qiimahana si isku mid ah dadka wax looga iibiyo.

saraakiisha SASA ee gobolkaasi ayaa wali ku dhex jirta arrinta, iskuna dayaysa in ay xal u helaan arrimaha murugsan

SASA News, 21-07-2009