Rabshado kasoo cusboonaaday Koonfur Afrika

Boqolaal muhaajiriin ah oo ay Soomaali ka mid tahay ayaa magangalyo ugu hoyanaya saldhigyada Police-ka dalka Koonfur Afrika kadib markii cagta la mariyey ganacsiyo ay lahaayeen.

Rabshadaha waxay ka dhacayaan magaalooyin iyo tuulooyin dalka ka tirsan iyadoo dadka dhigaya ay ka cabanayaan adeegyada asaasiga ah ee dowlada bixiso oo aysan heysan balse mudaaharaadyada waa kuwa geeysanaya qasaarooyin lixaad leh, gaar ahaana beegsanaya dadka ugu jillicsan oo ah ajanaiibta.

Magaalada Balfour ee gobolka faqriga ah ee Mpulanga waxaa cagta la mariyey darsano dukaamo ay leeyihiin ajaaniibta, waxaa ka mid ah dukaamo ay Soomaalida leedahay, waxaa halkaasi ku barokacay in ka badan boqol shisheeye ah kuwaasoo ku hoyanaya saldhigyada Police-ka iyagoo naftooda u cabsanaya.

Meelaha kale ee ay rabshadaha dhawaanahan ka dhaceen waxa aka mid tuulada Deipsloot ee u dhaxaysa Johannesurg iyo Pretoria, iyo tuulda Takoza oo 25KM Johannesburg ka baxsan, dhamaan meelahaasi waxay waxyeelo maaliyadeed kasoo gaartay dad ajaaniib ah oo ay Soomaalida ugu horeyso.

Dadka mudaaharaadaya waxay doonayaan adeegyada asaasiga ah sida guryaha, biyaha, korontadada, shaqaaleynta iyo waliba gunooyinka gaboowga iyo agoonta iyo dadka curyaamiinta ah, waxyaalahani waxay ka mid ahaayeen balanqaadyadii uu sameeyey madaxweynaha Cusub Jacob Zuma oo billo ka hor fariistey madaxtooyada.

War laga soo saaray qasriga madaxtooyada ayaa lagu sheegey in waxa dhacaya ay yihiin fal dambiyeedyo aanan loo dul qaadan doonin, kumanaan askarta guulwadayaasha ah ama loo yaqaano Metro Cops iyo ciidamada biliiska ayaa la geeyey goobaha ay rabshadaha ka dhacayaan waxaa illaa haatan xabsiyada la dhigey 99 qof magaalada Belfour.

Sargaal u hadlay ururka jaaliyada Soomaalida ayaa bixinaya tallooyin anfacaya Soomaalida, wuxuu kula talinayaa in ay la socdaan waxa dalka ka dhacaya si ay oga sii gaashaaman karaan haddii dhibaato kusoo food leedahay, in la joojiyo lacagaha jeebabka lagu qaadanayo iyo kuwa dukaamada lagu dhex heysto, waxaa kaloo uu ku taliyey in badeecada dukaamada la galinayo la yareeyo si qasaaruhu u yaraado, iyo in dukaamada laga sameynto albaab dambe oo lagu baxsan karro.

Rabshadihii sanadkii hore dhacay waxaa loo xirxirey dad gaaraya 1400 qof oo ahaa kuwii falalka geystey, hase yeeshee sanad kadib xiligaasi 128 qof kaliya ayaa maxkamad lagu soo oogey oo la xukumey.

18 kii bishan luuliyo oo ahayn maalinta Mandela ayaa dalka oo dhan waxaa laga sameeynayay xaflado lagu weeyneynayo maalintani, waxaa xafladahaasi ka mid ahaa mid ay si wada jir ah u qabteen jaaliyada Soomaalida ee SASA ama Somali Association of South Afrika iyo hey;aada Nelson Mandela Foundation iyo waliba dowlada oo lagu qabtay magaalada Pretoria, tuulada Attridgeville , xafladaasi waxaa looga gol lahaa in lagu heshiisiiyo dadka ajaaniibta ah iyo kuwa deegaanka, halkaasi waxaa raali galin ka bixiyey dadka deegaanka oo Soomaalida ka raali galiyay dhibaatada loo geystey, waxaa aqbalay raali galintaasi Dr. Cabdullaahi Carte oo SASA ka tirsan, waxaa meesha lagu qalay neef dibi ah oo ay Soomaalida bixisey. arrintani waxaa lagu faafiyey boga Nelson Mandela.

Wallow ay jiraan dadaalada noocaasi ah ee lagu walaaleynayo dadka deegaanka iyo ajaaniibta ayaa hadane ay rabshadaha sii socdaan iyadoo ay jiraan dad naqdinaya in aanan wax fiican laga qaban barnaamijka heshiisiinta, Joddy Kolepan waa gudoomiyaha ururka qaranka ee xuquuqul insaanka wuxuu qabaa in rabshadaha shisheeye nacaynka aysan wali dhamaan balse ay yihiin kuwa hurdaya xilli kastana soo toosi kara, wuxuu dowlada ku eedeeyey in aysan wixii loo baahnaa ka qabanin arrintani.