Ganacsade Caan ahaa oo lagu dilley K/Afrika
Mid ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn Soomaalida K/Afrika Cabdiqaadir Nuur Cali (Timo Dheere) ayaa xalayto rag hubeysan ku dilleen magaalada Brits ee gobolka North West, raga dilka geystey ayaa la sheegey in ay ahaayeen kuwa horey dhac ugu geytey oo shalayto maxkamad damiin kusoo deeysey.
Sida uu ii sheegey Cabdullaahi Qoriyoow Jaamac oo ah saaxiibka koowaad ee ganacsadaha la diley, oo markaasi kasoo laabtey aaskiisa, Ganacsade Timo Dheere oo ahaa ganacsade caan ka ah gobolka North West ayaa rag hubeysan dhanka dambe uga galeen dukaanka kadibna ka toogteen qadaadka xabaduna sujuuda ka boodey.
Boqolaal Soomaali argagaxsan ayaa ka qeybgashay aaska Timo Dheere magaalada Brits halkaasi oo ganacsi ku lahaa
Sida uu ii sheegey Cabdullaahi Qoriyoow ragga la tuhmayo ayaa ah kuwa shalay uun maxkamad damiin kusoo deeysey kadib markii 2 jeer oo hore ay dhac u geysteen dukaanka marxuumka kadibna uu dacweeyey, maxkamada siideysay waxa ay ku taalaa isla magaalada Brits.
Cabdiqaadir wuxuu ahaa Soomaalida xili fog soo gashay dalkani isla markaasina ku lahaa ganacsiyo, wuxuu sidoo kale ku lahaa xaas iyo caruur, waxaana dalka jooga nin walaalkiis ah iyo abtiyaashii.
Cabdiraxmaan Raabi oo u hadlay jaaliyada Soomaalida ayaa falkani cambaareeyey kuna tilmaamey mid wuxuushnimo ah, wuxuu dhaliiley nidaamka garsoorka dalkani oo uu sheegey in dambiilayaasha la siidaayo idayoo aanan la hubinin qatarta ay dadka u leeyihiin.
waa qofkii 26 aad ee sidani oo kale lagu dilo si arxan darro ah sanadkani gudihiisa