OGAYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS

Jaaliyada Soomaliyeed Koonfur Afrika ee SASA waxay ogaysiinaysaa dhamaan Bulsha waynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Johannesburg iyo nawaaxigeeda in uu jiro shir balaaran oo huwan warbixin iyo xog is waraysi uu bixinayo waftigii kasoo laabtey shirweynihii Qaramada Midoobey ee arrimaha qaxootiga kana dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Qodobada looga hadli doono shirka waxaa ka mid ah .

 Maxaa go’aano ah oo kasoo baxay shirka oo ku saabsan arrimaha dib u dejinta (dhoofka)?
 Maxaa natiijo ah oo SASA ka keentey arrimaha waxbarashada ?
 Maxaa iska badalaya arrimaha sharciyada (aqoonsiyada)?
 Magdhow dadkii hantidooda laga dhacay, caawin kuwa tabaaleysan iyo gacan siinta ganacsatada bilowga ah, maxkamada aduunka oo la saarayo dad dambiyo ka galay Soomaalid, maxaa rajo ah oo arrimahaasi uu waftiga ka hayaa?

Hadaba waxaa lagu soo dhowaynayaa qofkasta oo
Soomaaliyeed goobta Shirku ka dhici doono waa
Grosvenor Recreation Centre, Battery street (meesha lagu ciyaaro kubbada kiriketka ee ka sokeysa masaajidka Suldaan Baahu)

Goorta : Jimcaha , 02:00pm, illaa 04:00pm 08/01/2010
Goobta : Grosvenor Recreation Centre, Battery street

Fadlan kasoo qaybgalkaagu waa muhiim