Maxamed Cali kalaay oo Cape Town ku dhintey kadib dhaawac loo geeystey

Maxamed Cali Kalaay oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Cape Town ayaa rag hubeysan dhaawac u geysteen kadibna isbitaal ayuu ku dhintey dhaawicii soo gaaray dartiis.

Marxuumka ayay burcad hubeysan toogteen isagoo ku sugan dukaankiisa hortiisa, iyagoo aanan waxbo kale ka qaadan dukaanka.

Waa qofkii labaad sanadkani oo la dhaawaco, magaalada Krukerdorp ee Johannesburg ku dhow waxaa ku jira muwaadhin Soomaali ah oo dhgaawac loogu geystey tuulada Mogalesburg.

Aaska Maxamed Cali ayaa ka dhici doona Cape Town.

SASA ayaa cambaareysay falalkani dhibaateynta ah ee lagu hayo Soomaalida