Wararkii wargeyska SASA cadadkii 10 aad

Qof Soomali ah oo dukaankiisa lagu dhex gubey

Dhacdadii ugu xumeyd ayaa daraad ka dhacday meel u dhow Cape Town kadib markii si ula kac ah dab loo qabadsiiyey nin Soomaaliyeed oo dhex joogey cooshadiisa oo ka samaysan konteenar.

Falkani waxaa lagu dhaawacay qof kale oo Soomaaliyeed oo isna dukaanka kala shaqqaynayay marxuumka dhintey. Marxuumka waxaa lagu magacaabaa Ismaaciil Ciid halka kan la dhaawacay magaciisa uu yahay Axmed Bashiir Daahir

Wiilashani nolosha lagu gubey waxay ahaayeen shaqaalo, dukaankana wuxuu ku yiiley tuulada Cross Roads ee agagaarka xaafada Khalitsha oo u dhow Cape Town, sida ay sheegeen dad xog-ogaal ah dhacdada waxay ka dambeysay kadib markii cooshada dhac loo geystey dhowr habeen ka hor kadibna ciidamada amaanka ay soo qabteen ragii falka geystey.

Hantida cooshada laga dhacay ayaa waxaa lagu sheegey illaa R5000 (shan kun), raga lasoo qabtay waxay ahaayeen 4 nin, laakiin qoyskooda ayaa sheegey in ay iyagu bixinayaan lacagta.

Xilli saqdhexe habeenimo ah oo cid kasto hurudo ayaa masiibada dhacday, waxaa konteenarkii hareerahiisa lasoo dhoobey shaagag, dukaankana waxaa lagu rusheeyey gaas, kadibna dab ayaa la qabadsiiyey.

Waxaa meeshii la gaaray iyadoo wax kasta ay jumus isku noqdeen, nasiib wanaag wiilasha midkood ayaa naf lagu gaaray, halka kan kale ay xitaa hilbihiisa kala daateen.

Wiilka dhaawacmay ayaa haatan wuxuu yaalaa isbitaalka Tigerburg ee xaafada Bellville u dhow, wararkii ugu dambeeyeyna waxay sheegayaan in dhaawaciisa uu halis yahay oo uu ku jiro Koomo.

Waa qofkii labaad oo la dillo sanadkani inta uu bilowdey, aaska marxuumkan ayaa waxaa ka qeybgalay Soomaali badan oo uu ka midyahay Muftiga weyn Sheekh Maxamed Idiris oo Soomaalida ku booriyey in ay xariir wanaagsan la yeeshaan dadka ay la noolyihiin.

Dad la boobey oo ka cabanaya caawimaad la’aan

Darsan dad Soomaaliyeed oo dhawaan dukaamadooda lagu boobey tuulada Riviersondered ee Cape Town ayaa ka cabanaya caawimaad la’aan kadib markii ay lumiyeen wax kasta oo ay heysteen boobkii loo geystey dartiis.

Waxay hadda sheegayaan in aysan jirin cid illaa haatan wax caawimaad ah u fidisey, walina laga hortaaganyahay in ay dukaamadoodii ku laabtaan.

Dukaamo la boobi lahaa oo la baajiyey

Faragalin ka timid jaaliyada Soomaalida SASA iyo dowlada ayaa loo baajiyey ugu yaraan 2 dhacdo oo lagu boobi lahaa dukaamo Soomaali iyo ajaaniib kale ay ku leeyihiin meelo ka mid ah gobolka Gauteng.

Meel ka mid ah waa tuulada Attridgeville ee Pretoria u dhow halkaasoo la boobey hal dukaan, balse qeeylo dhaan markiiba ay jaaliyada gudbisey ayaa waxaa loo direy ciidamo tirabadan oo ka hortaga rabshadaha faafi lahaa.

Gudoomiyaha xafiiska caasimada ee jaaliyada Dr. Carte oo goobta gaaray ayaa sheegey in lagu guuleystey in laga hortago mashaakiil weyn oo soo socdey, xaaladuna ay haatan degentahay. Attridgeville waxay ka mid ahayd meelihii wajigabaxa badan kasoo gaaray dowlada dhibaatooyinkii ka dhacay maadaamaa ay caasimada aad ugu dhowdahay.

Dhacdada kale waxay ahayd dumaako Soomaali ah iyo dad Ethiopian ah oo tuulada Katlahon, xaafada Mandela oo lagu amray in ay dukaamada xiraan haddii kale la boobi doono, kadib xafiiska jaaliyada oo xariiro kala duwan sameeyey ayaa lagu guuleystey in dadkii dukaamadooda dib loogu celiyo, kuwii cagojugleynta geysteyna digniin ayaa loo jeediyey.

Bahda Warfaafinta iyo Wacyigalinta SASA