Wararkii Wargeyska SASA cadadkii 11 aad
Dilal ka kala dhacay Polokwane iyo Bellhar
Mar kale iyo muwaadhiniin Soomaaliyeed oo loo geystey dilal fool xun, xilli ay ku guda jireen shaqooyinkooda ganacsiga, markani dilalka waxay ka kala dhaceen labbo magaalo oo aad u kala fog oo qiyaastii isu jira wax ka badan 2 kun kilo mitir
Polokwane: 2dii bishan Febaraayo, 2010, magaalada xarunta ah ee Polokwane ee gobolka Limpopo waxaa lagu dilley muwaadhin Soomaaliyeed xilli uu joogey goobtiisa ganbacsiga.
4 nin oo bastooladu ku hubeysan ayaa Soomaaliga ku dilley tuulo lagu magacaabo Atok oo 110km u jirta Polokwane xili aroornimo ah oo markaasi dukaanka la furey, marxuumka la dilley waxaa lagu magacaabi jirrey Axmed Cusmaan Koronto, oo da’diisa lagu qayaasay 25 jir, wax sanad ka yar ayuu dalka joogey
Bellhar (Cape Town) : Xaafada Belhar ee magaalada Cape Town 10 kii feberaayo, 8 maalmood ka dib dilkaasi hore waxaa dil foolxun loogu geystey Axmed Cabdi Maxamed xilli ay dharaarweyn tahay duhur kadib.
Sida iska caadiga noqotey, rag hubeysan ayaa dukaanka usoo galay, xabad ayay ku fureen kadibna wixii ay doonayeen ayay dukaanka ka qaadeen, marxuumka waxaa la aasay isla habeenkii isagoon meyd-bari noqon.
Labbadani dil ee ugu dambeeyey waxay tirada dilalka sanadkan dhacay ee Soomaalida ka dhigeysaa 4 qof sida ku xusan diiwaanka Jaaliyada.
Rabshado ka dhacay magaalada Balfour oo ajaaniib lagu waxyeeleeyey
In ka badan 100 qof oo ajaaniib ah oo ay ka midyihiin dad Soomaali ah ayay dhibaato kasoo gaartey rabshado ay dhigeen dadka deegaanka tuulada Siyathemba, ee magaalada Balfour ee gobolka Mpulanga.
Dad caraysan oo ka cabanaya liidasho xaga adeegyada asaasiga ah ee dowlada ayaa dab qabadsiiyey dukaamo ay soogalootiga leeyihiin, halka qaar kalana ay boobeen, dadka rabshadaha dhigay ayaa gubayay shaagaga baabuurta, tuurayay dhagxaan isla markaasina bardoodamayay.
Ajaaniibta waxyeelada soo gaartay ayaa wallow aysan jirin midkood oo dhaawac jirka ah oo daran soo gaaray, ayaa hadane waxa ay la kulmeen barokac iyo hantidooda oo la boobey, waxay badankood ku qasbanaadaan in ay magan galaan dhismooyin ay dowlada leedahay, halka qaar kalana ay magaalada isaga tageen.
Magaaladani oo markii labaad sanad gudhiis ay rabshadaha ceynkan oo kala ah ka dhacayaan ayaa waxaa markii koowaad booqdey madaxweynaha dalka mudane Jacob Zuma oo u sameeyey balanqaadyo waxqabad, hase yeeshee ay wali ka cabanayaan waxqabad la’aan.
Dadka caraysan waxay gubeen dhismayaal dowladu leedahay oo uu ka midtahay maktabad buugaagta iyo guri kale oo dowlada hoose leedahay, waxayna burburiyeen gaadiidka Police-ku leeyahay.
Markii hore waxay mudaaharaadka ku micneeyeey in ay kaga cabanayaan god macdanta laga qodo oo aanan shaqaaleysiin dadka tiradii ku filan , laakiin markii dambe waxay sheegeen in sidoo kale ay doonayaan in kursiga laga tuuro duqa magaalada Lefty Tsotetsi
22 qof oo maxkamad lagu soo taagay Balfour
14 ka mid ah 22 qof oo maxkamad lagu soo taagay lugtii ay ku lahaayeen rabshadihii Siyathemba, magaalada Belfour ayaa lagu siidaayay damiin lacageed oo dhan R500 qofkiiba.
4 ka mid ah 8 soo hartayna dacwadooda waa laga noqdey, halka 4ta soo hartayna ay ahaayeen caruur da’ yar oo lagu wareejiyey qeybta arrimaha bulshada si ay u kormeeraan dhaqan toosin ah ugu sameeyaan.
9 kale oo talaadadii la xirey ayaa iyaguna maxkamad lasoo taagayaa, iyagoo lagu heysto rabshad kicin bulshada dhexdeeda, sidoo kale nin Ethiopian ayaan isaguna la xirey.Dadkani waxaa lagu heystaa lugtii ay ku lahaayeen rabshadihii dhawaan ka dhacay, Balfour.