Wararkii wargeyska SASA cadadkii 13 aad

Dil kale oo ka dhacay Cape Town
Muwaadhin Soomaaliyeed ayaa markale dil loogu geystey magaalada Cape Town, markani waa dil bareer ah oo ujeedku ahaa in isaga la khaarijiyo.
Dilkani waxa uu ka dhacay tuulada Philipi ee duleedka Cape Town, marxuumka waxaa lagu magacaabaa Xaafid Axmed.
Dad ehel la ah waxay sheegeen in habeeno ka hor uu fashilmey iskuday la doonayay in lagu gubo dukaanka, iyadoo sikoo kale habeen ka hor loo dhacay dukaan agtiisa ah kan nXaafid lagu dilley.
Dukaanka yaaa waxaa isugu yimid Soomaali badan oo aad ugu murugsanaa waxa dhacay.
Xafiiska SASA ee Cape Town ayaa arrintani dhaleeceeyey, cabasho ka dhan ahna u gudbiyey dowlada gobolka Western Cape.
Maamulkii SASA ee gobolka Limpopo o boorka laga jafay
Maamulkii jaaliyada ee magaalada Polokwane ayaa dib boorka looga jafay kadib markii la magacaabay maamul cusub, xafiis cusubna laga furey halkaasi.
Gudoomiyaha laanta SASA ee gobolkaasi mudane Aadan Shugri iyo gudoomiye ku xigeenka Cabdinaasir Aadan Maxamed wafti ay hogaaminayaan ayaa kullan albaabada u xiran xarunta SASA ee Johannesburg kula yeeshey madaxda sarsare ee SASA iyagoo ka wada hadlay howlaha xafiiska.
Madaxda ayaa digreeto ku magacaabay maamulka cusub oo ka kooban gudoomiye iyo ku xigeenkiisa iyo Xoghaye Guud oo loo magacaabay Cabdiqaadir Aadan. Mas’uuliyiintan ayaa looga fadhiyaa in ay iyaga magacoowdaan dadkii la shaqayn lahaa.
Laantani oo markii hore ku howlgali jirtey si xafiis la’aan, ayaa haatan waxa loo furey xafiis si wanaagsan u qalabaysan, waxaana durba uu xafiiska bilaabay in hoowlihii jaaliyada ee gobolkaasi uu si wanaagsan u dardargaliyo, iyadoo wakiilo iyo howlwadeeno loo direy xafiisyada dowlada ee Musina oo ah meesha qaxootiga dalka soo gala lagu qaabilo.
Sidoo kale madaxda xafiiska ayaa kulamo la yeeshey madax iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada iyo hey’adaha Musiina jooga e caalamiga ah, iyagoo kala hadlay arrimaha qaxootiga cusub ee soo galaya ee Soomaalida ah.
Waraysiyadii UN-ka oo kusoo gabogaboobey P.E
Dadkii dacwooyinka uga socdeen hey’ada qaxootiga ee Qaramada Midoobey ayaa waraysiyadii labaad ku maray magaalada P.E.
Laanta SASA ee gobolka Eastern Cape ayaa gacan weyn ka geeysatay hoowshaasi iyadoo dad baban waraysiyo lala yeeshey.
Barnaamijkani oo biloowdey sanadkii hore ayaa waxaa loo yeerey dadkii maray waraysigii koowaad .
Gudoomiyaha Eastern Cape SASA Mudane Cabdiraxmaan Raabi ayaa Somali Official Voice u sheegey in hoowsha si wanaagsan usoo gabogaboowdey, ayna filayaan in dadka dhiman sidoo kale iyana laga qaado waraysiyada
“waxaan ka codsanayaa dadka in ay dulqaataan, waa wax mudo qaadanayo, hana la ogaado inaga fududeeyeyaal kaliya ayaan ka nahay barnaamijka, ee go’aan gaaristu waxaa leh UNHCR”. Ayuu yiri. UNHCR ayaa balan qaaday in dadka dacwadooda guuleysato wax loo qaban doono.