Wararkii wargeyska SASA cadadkii 15

ANC : U diyaar garooba Xenophobia kale

Xisbiga talada haya ee ANC ayaa todobaadkani soo saaray digniin culus oo ku saabsan in markale ay bilaabanayaan rabshadihii ajaaniib nacaybka ee kol hore dalka ka dhacay.

Afayeen u hadlay xisbiga iyo waliba war qoraal ah oo kasoo baxay xarunta xisbiga ee Johannesburg, ayaa lagu sheegey in ay dhacayaan mudaaharaadyo lagu dalbanayo adeegyada asaasiga ah (Service delivery protests) kuwaasoo bilihii dhawaa gilgiley dalka, balse ay mudaaharaadyada wehelin doonaan weeraro ajaaniib nacayb ah (xenophobia)

Dumisani Ntuli waa afayeen ka mid ah ANC, wuxuu sheegey in ay hayaan xogo sirdoon ah oo muujinaya abaabulo weeraradaasi ah isagoo intaasi ku daray in dhamaan astaamaha muuqda ay muujinayaan jiritaanka dhul carro san ah oo rabshadhuhu ku bac rimaan “wararka aan heeyno waxay sheegayaan in ay rabshadaha dhacayaan inta lagu jiro ololaha doorashooyinka dowladaha hoose ee 2011 ka , tani waa wax warwar galinaya hogaanka sare, waxaan arki doonaa rabshado ay horboodayaan ciyaal iskuul, waxaanan wadnaa cilmi baaris arrintani ku saabsan” ayuu yiri Ntuli.

Arrintani ayaa looga hadli doonaa shirka isbahaysiga sedex geesoodka ah ee ku jira dowlada wadaaga ah xili ee kala ah ANC, COSATU iyo SACP, shirka wuxuu bilaabanayaa manta oo jimce ah.

Waxaa la’isla qirey in baratan ka dhaxeeya siyaasiyiin ay ugu wacanyihiin rabshadaha, ANC waxay sheegtey in ay eegi doonto sida wax looga qabanayo

Dr. Cabdullaahi Carte oo khudbad ka jeediyey maalintii xuska xuquuqul insaanka

Dr. Cabdullaahi Carte oo ah mas’uuliyiinta jaaliyada Soomaalida ee Koonfur Afrika (SASA) ayaa khudbad dheer ka jeediyey xaflad maalinta xuska xuquuqul insaanka oo oo ay soo agaasintey hey’ada xuquuqul insaanka qaranka (SA Human Rights Commission) kana dhacay hotelka Protea Parktonian Hotel ee Johannesburg.

Carte ayaa ka digey suurtagalnimada in ay soo noqdaan rabshadihii ajaaniib nacaybka marka laga boxo ciyaaraha aduunka ee 2010-ka, wuxuu intaasi ku daray in ay jirto cabsi guud oo ay dadka qabaan, ayna tahay in dowladu wax ka qabato waxyaabaha dhacaya.

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay madax sarsare oo dowlada ka tirsan iyo kuwa ka socda ururada bulshada rayidka ah kuwaasoo sheegey in ay haboontahay in la dhoowro xuquuqul insaanka. Munaasabada waxay dhacday 18 kii bishan Maarso.

Xarooyinka qaxootiga Cape Town oo la xirayo

Labbo xero oo ay ku jiraan dad qaxooti ah oo ay ka midyihiin Soomaali ayaa irdaha la’isugu dhufanayaa 31 Maarso, oo ay naga xigaan dhowr maalmood, go’aankani waxaa horey u gaaray maxkamada Cape Town kadib dacwad ay gudbisey dowlada hoose.

Iyadoo mudadii loo qabtey dadkani ay sii dhamaaneyso ayaysan jirin cid ka baxday xerooyinka, halka dowlada gobolka ay ku hanjabayso in marka waqtiga dhamaado ay dhulka la simi doonto xerooyinka sida uu isniintii sheegey Peter Cronje oo ah afayeenka magaalada Cape Town.

Xerooyinka waxay kala yihiin Blue Waters oo ku taalada xeebta qarkeeda kuna jiraan 340 qof, iyo xerada YoungsField oo ah xero militari kuna jiraan 66 qof. Xerooyinkan waxay furnaayeen muddo labbo sanno ah.

Dhanka kale kumanaan Zimbabwean ah ayaa wali ku xaraysan garoon lagu ciyaaro kubbadda Rugby-ga (Dibile ama dibileyn) oo ku taala degaanka De Doorns kadib markii dadka deegaanka ay barokiciyeen, waxaa haatan taagan walwal ah in ay kororto tirada dadka.

Dadkani ayaa waxay ahaayeen kuwa ka shaqeeya beeraha carabka balse waxaa weeraro lixaad leh ku qaadey dadka deegaanka oo ku eedeeyey in ay ku shaqaynayeen lacago yar, isla markaasina ka xireen shaqooyinkii ay heli jireen.

Dukaamo lagu boobey Pretoria

Tuulooyin ku deedsan caasimada dalka wali waxaa ka soconaya rabshado isdaba joog ah iyadoo dadka deegaanka ay sameynayaan mudaaharaadyo ay ku dalbanayaan is la wanaajiyo adeegyada asaasiga ah ee ay dowlada fuliso.

Waxaa ugu dambeeyey rabshadihii ka dhacay Memalodi kuwasoo lagu boobey dukaamo dhowr ah oo ay Soomaali leedahay, wallow rabshadaha ay yihiin kuwa looga soo horjeedo dowlada, ayaa hadana waxay dhibaato kasoo gaaraysaa dadka qaxootiga ah ee meelahaasi degen ama ganacsiyada ku leh.