SASA Journal cadadkii 23 aad
Xuska maalinta qaxootiga aduunka
Magaalada Pretoria ee caasimada ah waxaa ka dhacay xus balaaran oo loo sameeyey maalinta qaxootiga aduunka oo ay soo qabanqaabisey hey’ada qaxootiga aduunka ee Qaramada Midoobey.
Xuskani waxa ka hadlay madaxa xafiiska UNHCR ee Afrikada Koonfureed Md. Sanda Kambibi oo sheegey in maalintani loogu talogalay in dareenka aduunka loogu soo jeediyo dhibaatada heysata qaxootiga, waxa uu soo hadal qaaday dalka Tanzania oo uu sheegey in 150 kun oo qaxooti ah ay sanadkii hore siisey jinsiyado, dalka Koonfur Afrikana uu ka filayo in ay sidaasoo kale yeesho, halka inta soo harteyna uu sheegey in dib u dejin looga sameeynayo wadan sedexaad balse dib u dejinta aysan ahayn xalka kaliya ee jira.
Agaasimaha guud ee wasaarada Home Affairs-ka oo oo isagana meesha ka jeediyey khudbad dheer oo dhowr bog ahayd ayuu kaga hadlay isbadalo wasaaradu ay ku samaysay arrimaha muhaajiriinta isla markaasina waxyaalo badan laga qaban doono arrimaha qaxootiga, isagoo ka hadlayay cabsida laga qabbo rabshado dhoco ayuu sheegey in dowlada ay heegan u tahay in ay ka hortagto.
Sidoo kale waxaa xaflada ka hadlay Cabdinaasir Axmed oo ku hadlayay magaca dhalinyarada qaxootiga ah wuxuuna ka hadlay baahida dhallinta ee waxbarashada, wuxuu sheegey in haddii aanan dhallinta laga caawin waxbarashada uu mustaqbalkooda mugdi weyn ku jirro.
Madax kala duwan oo uu ka midyahay agaasimaha guud ee SASA Md. Axmed Dawlo ayaa saxiixey funaanada xulka qaranka Koonfur Afrika ee Bafana Bafana, funaanadaasi oo la dhigayo madxafka qaranka.
Ugu dambeytii kooxo isugu jira Soomaali, Burundi iyo jinsiyado kale ayaa soo bandhigey ciyaaro dhaqameed.
Qorshe looga hortagayo rabshadaha
Dowlada Koonfur Afrika gaar ahaan wasaaradaha amaanka qaabilsan ayaa dhawaan shir ugu yeerey jaaliyadaha matalada qaxootiga oo ay ka mid tahay tan Soomaalida ee SASA, waxa ay nagu wargaliyeen in dowlada ay hergalisey qorshe amaan oo ay uga hortageyso wax alaale wixii rabshado ah ee dhici kara.
Qorshaha waxaa loo diyaariyey ciidamo cusub oo leh hogaan u gaar ah, waxaana jirta xarun dhexe oo howlgaladan gaar u ah oo la’isugu keenayo wixii macluumaad ah looguna magic daray xarunta Digniinta Hore sii bixisa.
Sidaasi darteed waxaan dhamaan dadka dukaamaleyda ah ka codsanaynaa in ay nasoo gaarsiiyaan wax alaale wixii aqbaar ah ee hanjabaad ama warqado la qeeybiyey ah oo muujinaya in weerar la damacsanyahay, waxaan heysanaa balan qaad ah in macluumaadkaasi haddii aan la wadaagno xaruntani cusub si degdeg ah wax looga qabanayo.
Tijaabo arrintaasi jaaliyada ay ku samaysayna waxay noqotey mid miro dhal ah markii gurmad lama filaan ay dowlada u dirtey meeln qeylo dhaan naga soo gaartey.
Ninkii sharciga ka dhoco waa Ganaax
Wasaarada arrimaha gudaha ayaa soo rogtey in ganaax lacageed oo adag lagu soo rogo cid alaale cidii qaxooti ah ee sharcigeeda inta ka dhoco la daahda soo cusbooneysiinta.
Haddii uu sharcigu kaa dhacsanyahay wax ka baddan 2 todobaad illaa bil waa Kun Rand oo ganaax ah, intaasi wixii ka badana waa lacag kasii badan.
Haddii aad ganaaxa bixin weeyso waxaad halis u tahay xarig iyo in lagu geeyo Lindela oo ah xarunta tarxiilka.
SASA oo qoysas agoon ah gaarsiisey Hug
Jaaliyada ayaa 14 qoys oo agoon ah kana kooban 32 caruur oo Johannesburg ku nool ugu deeqdey deeq hug ah oo kasoo gaartey xafiiska SASA ee Polokwane kaasoo heley gargaar hug ah oo ay bixiyeen hey’ado samafal ah.
Jaaliyada waxa ay dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ganacsatada ah ugu baaqaysaa in ay xasuustaan agoonta iyo dadka tabarta daran ee meelaha aad joogtaan ku nool.
Raaligalin
Bahda Somali Official Voice waxay idinka raaligalineysaa baaqashadii todobaadyadii lasoo dhaafey uusan wargeyska soo bixin, waxaana ugu wacan arrimo farsamo iyo istaraatiijiyadeed, wargeysku waa todobaadle jimce kasta soo baxa laakiin haddii daruuri loo arko mararka qaarkood ayaa la hakin karaa.