Sheekh Mustafaa oo ku celiyay weerarkiisa ku aadan warbaahinta caalamka

Sheekh Mustafaa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo muxaadaro ciwaankeedu yahay Warbaahinta iyo raadadka ay ku leedahay bulshada ka jeediyay Masjidka Al-hudaa ee magaalada Port Elizabeth ayaa si kulul u weeraray Warbaahinta caalamka ee weeciyay ujeedadii rasmiga ahaa ee Saxaafada loogu tala galay.

Sheekhu waxa uu sheegay in warbaahinta aan la yareysan Karin oo bilaawgii Aadanaha ay soo ifbaxday laakin badida dadyowga iminka maamulaya ay xadkii ka talaabeen dana gooni ahna ay wax walba ku saleeyeen.

Sheekh Mustafaa oo hantay dareenka dadkii ku sugnaa gudaha Masjidka ayaa xusay in warbaahintu ay soo martay marxalado kala duwan maantana ay mareyso in dunida ay la mid tahay Tuulo yar oo wax kasta oo ka dhaca ay dadka la socon karaan.

Warbaahinta tooska wax u baahisa ee TVyadu ka mid yihiin ayuu far gooni ah ku fiiqay isagoo tilmaamay in ay gaartay heer ay wax ka badasho dhaqanadii dunida ka jiray iyadoo la liidayo ilbaxnimada ummadaha qaar loona sheegayo wax walba oo noloshooda ku saleysan.

Sheekha oo aad moodid in dareenkiisu is badalay ayaa dadka u sheegay in Isboortiga iyo Muyuusigu ay yihiin qeybo ka mid ah warbaahinta oo aad loogu xaday caqliga bulshada illaa la gaarsiiyay in caag yar oo la laadayo iyo qofkii laadayayba malaayiin lagu qarash gareeyo’’ Rag darbiyo jiif ahaa ayaa Kubada cagta lagu biiriyay Xidigaha cirkana lagu matalay si waxa ay wadaan loo buunbuuniyo qarash badana loogu soo xareeyo’’ ayuu yiri Sheekh Mustafaa oo muxaadaradiisa ku jira.

Mar uu qodobeynayay ujeedooyinka ay dowladaha reergalbeedku ka leeyihiin ayuu Warbaahinta ku tilmaamay awood iyadoo ku xoodineysa wax kaa dhaadhicineysa, waxa uuna xusay in ay caqliga Aadaha ku cayaarto illo dhaqaalana u tahay dadka fahmay wax soo saarkeeda.

Sheekh Mustafaa Xaaji Ismaaciil Haruun oo Muxaadarada uu jeedinayay ay qeyb ka aheyd Shirka sanad laha ah ee Culumada uu ka mid yahay ay K/Afrika u yimaadeen ayaa intii uu Muxaarada jeedinayay dadka uga dhigay qatarta ay Warbaahintu leedahay .

Gabagabada hadalkiisa ayuu dadka faraha kula jira Mihnada Saxaafadda ku booriyay in ay xaqa diirada saaraan kana fogaadaan wax kasta oo ummada anfacaya.

Ma aha markii ugu horeysay oo Sheekh Mustafaa Xaaji Ismaaciil Haaruun uu ka hadlo warbaahinta iyo dhibaatooyinka ay leedahay marba marka kasii danbeeya ayuusa ku sii darayaa hadalkiisa dhigniina cusub oo ku saleysan baaritaan cilmiyeed iyo aftahanimo Rabi siiyay.