’’Lacag diyaarsada dalkana ku laabta si aad ganacsi iyo taran u sameysaan’’ Sheekh Cali Wajiis
Sheekh Cali Maxamuud Xasan ( Sheekh Cali Wajiis ) oo ka mida culumada la qadariyo ee Soomaalida oo muxaadaro qiima badana ka jeedinayay masjidka Alhudaa ee magaalada P.E ayaa si xamaasad badan u soo jiitay dadkii dhageysanayay .
Sheekha ayaa ugu horeyn ku dheeraaday muxaadaradiisa oo ku saleysneed sida loogu daysan lahaa dadkii hore ee wanaagsanaa , waxa uuna tilmaamay in dabaqida arintaani ay tahay mid aan meelna looga weecan Karin oo waajib ku ah qof kasta oo muslin ah.
Sheekh Cali wajiis oo aad u careysan ayaa carabaabay in dad badan oo muslinima sheeganaya ay shirki cad ku jiraan waxyaaba aan loo baahneyna ay faraha kula jiraan.
Sheekh Cali Maxamuud Xasan ( Sheekh Cali Wajiis ) oo doonayay in dadka dhageysanayo uu si qota dheer wax u fahansiiyo ayaa bartamaha muxaadaradiisa ku soo gudbiay erayo suugaan ah oo muujinayay sida ay dadka qaar uga weecdeen wadadii saxda aheyd baadilka cadna u koonbeynayaan.
Culumada Soomaalida ayuu sheegay in ay ku jiraan rag aad u wanaagsan laakin aan wax ka qaba Karin waxa dhacaya isaga oo tilmaamay in marka la xalinayo khaladaadka jira ay tahay in laga fogaado ceebeyn iyo mushkilada kale oo daba dheeraada.
Gabagabada Muxaadaradiisa ayuu sheekhu ku booriyay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka South Africa in ay dhaqaala wanaagsan diyaarsadaan dalkaani ku laabtaan si ay halkaasi ganacsi iyo taran uga sameeyaan.
Muxaadaraan uu jeedinayay Sheekh Cali Wajiis ayaa aheyd mid Xamaasad badan oo ay aad ula dhaceen dadkii dhageysanayay, waxaana lagu tilmaami karaa habeenkii ugu farxad iyo xamaasad badneed ee Soo marta Soomaalida ka timid deegaanada kala duwan ee dhaqan Magaalada Port Elizabeth.