Caawa iyo Cilmiga culumada

Idaacadda IFM qeybta Afsoomaaliga ayaa caawa si toos ah u tabineysay barnaamij gaar ah oo la magac baxay caawa iyo cilmiga culumada diiradana lagu saarayay muxaadaradii ugu danbeysay ee Culumadu ay ka jeedineysay xarunta German Hall ee ka tirsan xaafada Korsten.

Idaacadda ayaa intii ay baahineysay barnaamijkaas waxaa la soo xiriiray dadweyne kala duwan oo qaarkood ay ku sugan yihiin gudaha dalka iyo dibadiisa.

Mid ka mid ah dhageestayaasha ayaa sheegay in uu ku sugan yahay gudaha dalka Mareykanka islamarkaana uu si wanaagsan u dhageysanayo kheyrka idaacaddaasi ka baxaya.

Muxaaradadii gabaga gabada aheyd ee caawa ayaa waxaa jeedinayay Sheekh Cali Wajiis waxa uuna uga hadlayay Khaatumada wanaagsan.

Mana aha markii ugu horeysay oo Idaacadda IFM qeybta Afsoomaaliga ay baahiso barnaamij nuucaan oo kala ah hora ayeyna ugu faalootay arimo dhowr ah oo diin iyo siyaasadba salka la galaya.