Dadka Qaadka iibiya iyo kuwa cuna oo la kulmaya weeraro cusub oo qatar galiyay noloshooda

Ciidamada Booliska dalka South Africa ayaa bilaabay in ay si gooni ah u ugaarsadaan dadka ka beec mushtara Qaadka iyo kuwa cuna ee goobaha qarsoon ku dhuumanaya.

Ciidamadaani oo ku socda gawaari yar yar ayaa la sheegay in weeraro joogta ah ay ku qaadayaan goobaha ay maleynayaan in qaadka lagu Iibiyo.

Aroornimadii saaka ayey xoog u galeen dhismooyin dhowr ah oo ku yaala gudaha xaafada Korsten ee magaalada Port Elizabeth si ay u xaqeejiyaan u jeedooyinka weeraradooda.

Howlgalaadaa ay saaka sameeyeen ayaa la xaqeejiyay in ay ku qabteen hal nin oo iibinayay Qaad qiimahiisa lagu qiyaasay kun Ran oo lacagta dalkaan ah.

Ciidamada Booliska ee qabtay ruuxaas ayaa u dhaadhiciyay xarunta Booliska si halkaa uu ugu sugu xilliga maxkamada oo arinta loo heesto lagu dhameyn doono.

Ma aha markii ugu horeysay oo ciidamada Booliska ee dalka South Africa ay si xoog ah u galaan goobo ganacsi islamarkaana ay ka qabtaan qof gacanta kula jira waxyaabaha ay raadinayaan.