M/Weynaha Soomaaliya oo ka baaqday safar uu South Africa ku imaan lahaa
M/Weynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka baaqday Safar uu ku imaan lahaa gudaha dalka South Africa sida uu shaaciyay xafiiska uu ka arimiyo M/Weynahaasi.
M/Weynaha ayaa la sheegay in go'aankani uu qaatay markii uu ogaaday in dhigiisa dalka South Africa Jacob Zuma uusan dalka Sii joogi doonin oo safar dibada ah u bixi doono.
Wafdi kale oo heer sare ah laakiin aan la shaacin ayay dowladu u soo diri doontaa munaasabada lagu xasayo sanadguuradii boqolaad ee ka soo wareegtay xilliga la aasaasay xibiga haya talada dalka South Africa ee ANC.
Ururka African National Congress oo 8 january sanadii 1912 lagu aasaasay magaalada Bloemfontein ee gobolka free state ayaa ah xisbiga ugu facweyn Ururada siyaasadeed ee ka hana qaaday qaarada Africa.
Madax badan oo ka socota wadamada Africa ayaana ka soo qeyb gali doona munaasabad weyn oo lagu maamuusayo waxqabadkii ururkaas tan iyo markii lagu aasaasay gudaha Kaniisad ku taala magaalada Ubaxyada ee Bloemfontein.
Waa markii ugu horeysay oo M/Weynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya uu ka baaqdo safar nuucaan ah oo uu ku imaanayo gudaha dalka South Africa tan iyo markii loo caleema saaray xilka M/Weynenimo ee uu hayo.