Ganacsade Big show oo South africa lagu dhaawacay
Tuulooyinka ku xeeran magaalada Port Elizabeth ee gobolka Eastren cape ayaa laga dareemayaa howlo burcadnimo oo ay sameynayaan qaar ka mid ah burcada South Africanka ee ku dhaqan tuulooyinkaas.
Shan fal oo burcadnimo oo midood ay dhaawac sababtay ayaa la xaqeejiyay in saaka oo kaliya ay ka dhaceen tuulooyinka New brighton iyo Injoli oo ka tirsan goobaha ay mashaqadu ka taagan tahay.
Qofka dhaawaca loo geestay oo ah ganacsade caan ku ah neynaasta Big show ayay rasaastu ka haleeshay gacanta midig iyo lugta bidix iyadoo xaaladiisu ay aad u wanaagsan tahay Xabaduhuna ay ka duseen Hilibka oo laf aysan ka jabin.
Ganacsatada kale ee la dhacay ayaa gabi ahaantood la eegtay iyaga oo la socda gawaarida xaajiyadaha oo aroor kasta lagu doono Alaabtii la iibin lahaa.
Lacago kaash ah iyo taleefanada gacan qaadk ayaa laga qaatay ganacsatadaasi iyadoo tuugadu ugu hanjabtay in ay marxalad adag wajahi doonaan haddii aysan howlaha fududeyn markii ay ku dhacaan Dabinka tuugada.
Tuulooyinka New brighton iyo Injoli ayaa ku jira deegaanada ugu qatarsan dalka K/Africa xilli kasta ayaana lagu dhacaa dadka hantida heesta.
Ma aha markii ugu horeysay oo falal burcadnimo oo nuucaan oo kale ah ay ka dhacaan Tuulooyinka ku xeeran Magaalada P.E kuwii ugu danbeeyay ayaasa la yaab badnaa maadaama ay dhaceen in ka yar nus saac qatar badana ay ka dhalan kartay.