Ganacsatada Soomaalida ee KwaZakele oo Nambarka Booliska dhaliilay
Ganacsatada Soomaalida ee meheradaha ganacsi ku leh deegaanka KwaZakhlele ee gobolka Eastren Cape ayaa dhaliilay ciidamada Booliska dalka South Africa ee waxqabadkooda ku xiray Nabarka 10111.
Ganacsatada ayaa sheegay in nambarkaasi uu yahay mid gaabis ah oo aan wax u tari karin shaqaalaha iyo milkiilayaasha ku sugan goobahooda ganacsi ee aalaaba la kulma weerarada joogtada ah ee dhinaca tuugada ka imaanaya.
Gudoomiyaha Ururka Soomaali Community Board ee Gobolka Eastren Cape Abuubakar Ibraahim oo sidoo kale ah xubin firfircoon oo ganacsatadaasi ka tirsan ayaa xusay in nambarkaasi uu waqti dheer ku qaadanayo ciidamada Booliska.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Gawaarida dadweynaha aysan raaci karin taa oo jirtana la afduubanayo Xaajiyadihii ay gaarka u lahaayeen iyo adeegii saarnaa ee dukaamadooda ay u wadeen.
Ganacsatada Soomaalida ee deegaanka KwaZakhele oo maamula in ka badan 210 ayaa roondo ay la sameeyeen Ciidamada Booliska ee Aagaas ku muujiyay waxqabadkooda iyagoo isku booriyay in 8da fiidnimo ay dukaamada xiraan si dhaca loo yareeyo.
Deegaanka KwaZakele ayaa ku fadhiya dhul baaxad weyn taa ayaana fududeysay in danbiilayaashu ay ugaarsadaan cid kasta oo u nugul dhibaatooyinkooda.
Waana markii ugu horeysay oo dhaliil nuucaan ah ay ka soo yeerto ganacsatada Deegaankaas oo ku jira ajaaniibta ay gaadhay mishkilada cadawga habkii ay uga bixi lahaayeena ku haminaya.