Burcada P.E oo soo laba kacleeyay

Kooxaha burcada South Africanka ee ku sugan tuulooyinka ku xeeran magaalada Port Elizabeth ayaa laba laabay weerarada ay ku qaadayaan Xaajiyadaha ay leeyihiin ganacsatada Soomaalida ee meheradaha ganacsi ku leh aagaasi.

Kooxahaani oo isku baahiyay tuulooyinkaas ayaa todobaadkii la soo dhaafay oo kaliya weerar u geestay in ka badan 20 gaari oo aroor hore ay haleeleen.

Tuugada oo adeegsanaya Bistoolado ayaa Xaajiyadaha ay hujuumeen ka qaatay lacago kaash ah oo raga Soomaalida ah ee la socday ay doonayeen in ay ku soo iibsadaan alaabo cusub oo ay ku tafaariiq gadeeyaan dukaamadooda.

Tuulooyinka New brighton, Injoli iyo Soweto ayaa la tilmaamaa in ay yihiin goobo kulul oo tuugadu u qaraab tagaan iyadoo cidii mareysa ay dhibaatooyin badan la kulmi kareyso.

Burcada ayaa markii ay gacanta ku dhigaan ganacsatada Soomaalida ula macaamila hab waxshinimo oo dhaqanka aadanaha ka baxsan iyagoo si kulul ugu sheega in mushkiladu kordhi doonto haddii aysan jiljileec iyo suu gudbinta hantidooda isku darin.

Markii ay lacagta ka xoogaan ayey sidoo kale ka dafaan taleefanada gacan qaadka si ay u galaan geeri go'an aysan ku samee karin xiriir ay ku baacsanayaan raga ilbiriqsiyada ku qaatay hatidii ay u soo rafaadeen.

Xilliyada qaar ayey burcadu gaariga oo idil iyo adeega saaran la wareegaan taa ayeyna ku cunaqabateeyaan gawaarida aan subaxda hore ku dhicin dabinkooda laakin daabulaya adeeg u dhigma lacagihii u bad baaday.

Inkasto oo ay dhibaatadaasi jirto haddana ma muuqanayaan talaabooyin wax ku ool ah lagula dagaalamayo burcadaas caadeestay in ay jidka u fadhiistaan ganacsatada Soomaalida ee u halgamaya nooligooda mushkiladahana uga soo cararay dalkii ay u dhasheen.

Ciidamada Booliska dalka South Africa oo u xil saaran sugida amaanka dadka lagu tumanayo xuquuqdooda hantidoodana la dhacayo ayaa aalaaba ka gaabiya wax ka qabashada arimaha nuucaan ah ee cirka isku sii shareeraya.

Ma aha markii ugu horeysay oo weeraro nuucaan ah oo Xaajiyadaha Soomaalidu leedahay lagu qaadayo ay ka soo if baxaan tuulooyinka ku teedsan magaalada P.E falalkaan danbe ayaasa u muuqda kuwa abaabulan oo goobo kala duwan hal mar ka dhacaya.