Soomaalida S/Africa oo amnigooda ku dadaalaya

Soomaalida ku dhaqan gudaha dalka South Africa ayaa shaaca ka qaaday in ay xiriir wanaagsan la yeelan doonaan indheer garadka deegaanada ay ku noolyihiin si ay uga bad baadaan dhibaatooyinka burcada u dhashay wadankaan.

kulamo dhowr ah oo ay yeesheen ganacsata badan oo Soomaali ah ayey ku xaqeejiyeen arinkaan.

Soomaalida ku nool gudaha dalkaan K/Africa ayaa dhibaato ku qaba qolooyinka burcada oo aalaaba dhibaato u geesta.

lama oga sida uu u hir gali doono warka ka soo baxay Soomaalida wadankaan ee bad qabkooda raadinaya.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa dil iyo dhac loo geestay dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo mushkilado uga soo cararay wadankii ay u dhasheen laakin xasaradu ku haleeshay halkii ay nolol iyo nabad galyo u soo doonteen.