Soomaalida P.E oo ka boodaya dabinka tuugada

Ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan Deegaanada ku xeeran magaalada Port Elizabeth ayaa kulan la qaatay Ururada Taakaasida ee ka dhisan aagaasi.

Ururada ay ganacsatadu la kulantay ayaa waxaa ka mid ahaa ururka BATA oo ay kala hadleen sidii loo joojin lahaa dhalin yarada Soomaaliyeed ee gawaarida dhaxdooda lagu baadho.

Masuuliyiintii ka sicday ururadaas ayaa aqbay codsiga loo soo jeediyay, waxa ayna tilmaameen in wixii hadda ka danbeeya lagu nabad galayo Taakaasida ay maamulaan.

Kulan dhax maray Taksi leeyda iyo ganacsatada Soomaalida ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidamda Booliska ee dowlada South Africa.

Darawalada Kaxeeya gawaarida daabulada dadka caadiga ah ee Soomaalida lagu dhibaateeyo ayaa loogu hanjabay in ay dhuruuf adag wajahi doonaan haddii aysan joojin waxa ay wadaan.

Kulankaan oo ah kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah ayaa la filayaa in natiijadii ka soo baxday ay wax u tarto Soomaalida ku dhibaateysan deegaanada ku xeeran magaalada P.E ee meel kasta lagu dhacayo.