Mudaaharaad ka dhacaya P.E
Waxaa maanta lagu wadaa in P.E lagu qabto mudaaharaad weyn oo looga soo horjeedo boobka iyo rabshadaha kadhanka ah Soomaalida, waxaa ka qeybgalaya wasiirka amaanka Eastern Cape iyo madaxda SASA.
Mudaaharaadka oo ay dowladu soo qabanqaabisey ayaa waxaa lagu wadaa maanta in ay ka qeybgalaan kumanaan dad ah oo isugu jira Soomaali iyo dadka deegaanka.
Hillbrow oo lagu qabqabtey 330 qof
waa arin ku cusub dadwaynaha wadankaani siiba kuwa ku nool magalada johannesbrug, ka dib markii booliska Magaalada Johannesbruga ay sheegeen inay qab qabteen ku dhawaad 330 qof oo ku guda jirey shaqo sharci daro ah.
Madaxweynaha oo inkirey in uu lacag ku yaboohay.
Madaxweyne Kgalema Mothlante ayaa inkirey in uu lacag ugu yaboohey xeer illaalihii xilka laga qaaday Vusi Pikoli, sida uu qorey wargeyska Sunday Times lacagta lagu yaboohey waxay gaaraysaa R10milyan.
Xisbigii cusbaa oo maalintii labaad shir u socda.
Shirweyne ay kumanaan ergo kazoo qeybgaleen ayaa maalintii labbaad ka socda Bleomfontain ee gobolka Free State halkaasi oo si rasmi ah loogaga dhawaaqi doono xisbi cusub oo siyaasadeed kaasoo ka jabay xisbiga talada haya.
Shirweynaha ayay tahay in uu doorto hogaan cusub, oo ka koobnaan doonaa madaxweyne, labbo madaxweyne ku xigeen, xoghaye guud iyo kuxigeenkiisa iyo hanti dhowre.
Tifaftire caan ah oo shaqada ka tagay.
Mid ka mid tifaftirayaasha ugu caansan dalka Tyrone August oo ahaa tifaftirihii wargeyska Cape Argus ayaa la sheegey in uu dhiibey warqad iscasilaad ah.
Tyrone ayaa la sheegey in uu shaqaalaha wargeyska u sheegey in uu shaqada ka tagayo kadib markii uu muran dhexmaray isaga iyo mulkiilayaasha wargeyska oo ah shirkad maamusha wargeyska dalka ugu waaweyn ee loo yaqaano kuwa madaxa banaan.
jeffreys bay oo laga furay masaajidka imaam axmed ibnu xambal
JEFFREYS BAY: magaaladda JEFFREYS BAY ee degmada KOUGA ayaa laga furay masaajid weyn oo lagu tukado salaadaha jamaacaadka ah iyo jimcooyinka waxii laga bilaabo isbuucan soo socda inshaa alaahu masaajidka JEFFREYS BAY waxuu leeyahay fasalo dhowr ah oo loogu talo galay dadka soo islaamay in lagu baro diinta islaamka , waxaa kale oo xarunta JEFFREYS BAY leedahay 2 qol oo ah xafiisyo ee leedahay ja
Ganacsade kale oo Soomaaliyeed oo lagu dilay K/Afrika
Wadnaha!!! Cabdiwali Cali Salaad oo ah dhalin yarro Soomaaliyeed ayaa caawo meydkiisa lagu aasayaa magaalada Johannesburg kadib markii koox burcad ah ay wadnaha kala haleeleen tacshiirad taasoo uusan naf dhul la dhicin.
Koobkii Ciidul Adxaa Ee Shirkad Kaah Express, Johannesburg.
09 Dec 2008. Shirkada Kaah Express ayaa waxay diyaarisay koob kubada cagta ah oo loogu tala galay munaasabada Ciidul Adxaa oo ay ka qayb galeen naadiyo Soomaali ah oo kala yimid 3 gobol oo dalka South Africa ku yaala.
Koobka ayaa ciyaaray 4 kooxood oo kala ah Xiin Finniin, Laalays, Restunberg Stars, iyo King Stars. Kooxaha ayaa kala yimid gobolada Gauteng, North West iyo Eastern Cape.
Sidee Looga Ciiday Dalka koonfur Afrika?
Boqolaal qof oo Soomaaliyeed ayaa maanta isugu soo baxay Halalka waa wayne ee ku yaala magalooyin waaweyn ee dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay tahay markii ugu horeysey oo ay hal maalin la ciidaan muslimiinta dalkani Calaamka Intiisa kale oo caadi ahaan ka dambeeyn Jirey maalin aduunka islaamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
mudaaharaad ka dhici lahaa injooli oo la joojiyay cabsi laga qabo inuu isu badalo boob cusub
port elizabeth:mudaharaad eey soo abaabuleen xubnaha ANC ee xaafadda INJOLI ee duleedka magaaladda port elizabeth kaas ooy oogu talo galeen iney ku muujiyaan sey ooga xunyihiin boobkii loo keystay ganacsatadda soomaaliyeed ee xaafaddaas 25 november 2008, halkaas oo lagu boobay in ka badan 18 dukaan oo soomaaliyeed lagana raray in ka badan 125 dukaan,